Ciidamada DF oo la wareegay deegaanno badan oo katirsan Hiiraan

Muqdisho (Raxanreeb) Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo kuyalla Gobolka Hiiraan, kaidb dagaalo ka dhacay.

Howlgalka oo ay siwadajir u fuliyeen Ciidaada qeybta 27aad iyo Guutada 17aad ee Gorgor ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannad kala ah, Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.

Dhamme Cabduqaadir Axmad Cali oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalka uu yahaymid qorsheysan oo dhammaan degaannada Gobolka Hiiraan ay uga saarayaan Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka Hiiraan ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.