Madaxweyne Cali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta  booqday qaar ka mid ah Daraawiishta, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka  adag la galay kooxda Al-shabaab.

Safarka  Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay  Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan, waxa uuna kormeerkoodu u ahaa mid ciidamada loogu boorinayo in ay sare u qaadaan howlgalka ka socda deegaannada Hir-shabeelle ee ka dhan ah Al-shabaab.

Sidoo kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa kulan  la qaatay saraakiisha ciidamada Daraawiishta, Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-shabaab, oo dhibaato badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn madaxweynaha Hir-shabeelle, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada ee dagaalka kula jira Al-shabaab, ayna sii wadi doonaan wax walbo ay u baahan yihiin sida saanada ciidanka iyo xuquuqda kale ay lee yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.