Garoowe (Raxanreeb ) Iyadoo oo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku saabsan gaaritaanka Madaxwayne Xasan Sheekh inuuu tagi doono Garoowe iyo in kale ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa magaaladaas gaaray Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Garowe halkaas oo Madaxwayne Deni uu ku soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qayb galaya Xaflada Caleema saarla madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni .
Amniga Magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas ku sugan Wafuud kala duwan oo ka qayb galaysa Xaflada Caleema saarka .
Xiriirka Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni oo dhawaan dib loo doortay in mudda ahba ma uusan ahayn mid wanaagsan.
Leave a Reply