Magaalada GAROOWE oo “dagaal” ku waabiriisatay .

Garoowe(Raxanreeb)Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxa ay saaka ku waabariisatay rasaas si goos goos ah loo maqlayo, ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo tan iyo xalay ka jirey magaalada ka gadaal markii ay xalay qaybo magaalada kamid ah soo galeen ciidamo dhawaan hadlay oo taabacsan mucaaridka diidan Diwaangelinta Doorashada qof iyo cod ee Puntland, taasi oo ilaa hadda si habsami leh uga qabsoontay shan gobol.

Dhinaca kale waxa jira wada-hadallo aan weli guuleysan oo u socda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Maalinta berri ah ayaa Guddiga Doorashooyinku ay u qorsheeyeeen in ay gobolka Nugaal ka bilaabaan Diwaangelinta Doorshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.