Maxay tahay sababta Aabbe Ciraaqi ah oo u dilay gabadhiisa

Maxay tahay sababta Aabbe Ciraaqi ah oo u dilay gabadhiisa

Ciraq (Raxanreeb) — Dad badan oo Ciraaqiyiin ah, ayaa dalbanaya in wax laga beddelo sharciga, ka dib markii gabadh dhallinyaro ah oo taageero weyn ku lahayd baraha bulshada uu dilay aabbaheed.

Tiba al-Cali, ayaa waxay safar ugu tagtay qoyskeeda dalka Ciraaq ku nool, waxayna ka timid dalka Turkiga, halkaasoo gabadhan 22 jirka ahayd, ay si madax bannaan ugu noolayd dhowr sano.

Wararka ayaa sheegaya in aabaheed uusan ku farax sanayn inay kaligeed goob ku noolaato.

Dilkeeda ayaa waxa uu kiciyay caro hor leh, oo Ciraaqiyiin badan oo ku jira baraha Internet-ka ee la isku dhaaf sado aaraada, ay ku booriyeen dowladda iney sharci loogga hortagayo dilkan loo yaqaano Sharafeedka ay meel mariso..

Waxay ka dalbadeen dawladda inay qaado tallaabooyin aad u adag, oo lagula dagaalamayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka.