Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degay Diyaarad sidda ciidan qeyb ka ah kuwii Eretrea lagu soo tababaray.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Diyaaraddii u horreysay oo sida ciidankii Eritrea lagu soo tababaray ayaa goordhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Garoonka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ciidankan soo dhaweeyay.

Imaanshaha ciidankan ayaa yimid maalmo uun ka dib markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ciidanka Eritrea dalka imaan doonaan inta aysan dhamaan bishan.

Ciidanka ayaa in muddo ah waxa ka taagnaa hubal la ‘ aan  taas oo keentay in waalidiinta ciidankan banaanbaxyo ay ka dhigaan waddooyinka magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.