War ku soo kordhay nabadoon lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Heliwaa ee Muqdisho ku toogtay Nabadoon Xirsi Cali Diirshe oo si wayn loogu yaqiinay magaalada Muqdisho.

Kooxda hubeysan oo goobjoogayaal ku tilmaameen laba nin ayaa baxsadey kadib falkan khaarijinta ah ee ay u gaysteen nabadoonka.

Dilkan ayaa magaalad Muqdisho ka dhacay xilli ciidanka Booliska ay wadaan howlgal la sheegay in ay ku sugayaan amaanka caasimadda.

Maamulka degmada Huliwaa oo aan dhacdadan RBC kala hadlay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan dilka nabadoonka.

Ma jirto wax hadal ah oo laamaha ammaanka ay kasoo saareen dhacdadan ama cid ay u soo qabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.