Muqdisho (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle waxaa ka jira – koox si iskood ah isku abaabulay oo ujeedkooda uu yahay in ay iska dulqaadaan dhibaatada Al- Shabaab.
Kooxdan oo aan lahayn hoggaan keliya ay is abaabuleen ayaa dagaal fool- ka fool ah marar badan waxa ay la galeen kooxda Al- Shabaab.
Xildhibaan Xusul oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa sheegay in hadda aan wali lagu baraarugsayn dhibaatada kala ka dhalan karta kooxda Macwiislayda .
” Wax kasta oo fowda ka bilowda USC maxay ku bilowday ma sharci bay ku bilaabatay ilaa iyo hada maxaa na soo gaarsiiyay ” ayuu yiri xildhibaan xusul.
Waxaa uu xusay in dadka aan marnaba ku wanaagsanayn fowdo aan hoggaamiyaan .
” Macwiislay waa geelay waa ognahay dhib ayaa haysta waxaa loo baahan yahay in Dowladda wax ka qabata dhibaatada – haysata ” ayuu xusay xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaaliya.
Koox is abaabushay oo lagu magacaabo Macwiislay ayaa ka dagaalama degaano badan oo ka tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe halkaas oo dhibaatooyin ay ka- gaystaaan Al- Shabaab.
Leave a Reply