Saadaq John” Ciidanka sida hadda ay u dhaqmaan wax haka bedelaan”

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al- Shabaab ka wada gobolada qaar ee dalka kuwaas oo ay hoggaaminayaan Saraakiisha ciidanka Dowladda.

Marka ay weerarada dhacaan ayaa la sheegaa in khasaaara badan uu ka dhasho ama mararka qaar ee ay miinadu la ka kacdo .

Sababaha khasaaraha u aad ugu kordho marka dhibaatadu ay gaarto ciidanka ayaa hadda la sheegayaa in at tahay tababar wanaagsan oo aysan haysan ciidanka.

Generaal Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ciidanka looga baahan yahay marka howlgalada ay ku jiraan in aysan isku cariirin Gadiidka taas oo u sheegay in ay ka dhalan karto qatar ka bada mid la filan karo.

”Ciidanku waa in ay lugeeyaan ama ay yareeyaan tirada ay ku fuulayaan gadiidka marka ay ku jiraan howlgaladda ” ayuu ku qoray bartiisa Facebook Generaal Saadaq John.

Arrintan ayuu u sababeeyay in ay yaray karto khatarta hadiiba ay la kulmaan ciidanka Dowladda inta ay ku jiraan howlgaladda ciidanka .

”Ciidanka sida hadda ay u dhaqmaan waa in ay wax ka bedelaan ma ah sax ” ayuu yiri Saadaq John oo mar soo noqday Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Banaadir hadana ah xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

Marar badan ayaa Cidianka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay khasaaro xooggan ay ka soo gaartay inta ay ku jiraan howlgalada taas oo loo xaglinayo habka u fuliyaan qorshaha ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.