Malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Gobolka Mudug oo xal laga gaaray

Mudug (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali jifo iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Gogol Nabadeed ay fidiyeen wax-garadka Deegaanka Xera-jaalle oo looga heshiinayey laguna soo af-jarayay dhacdo dhex martay Beelo wada dega deegaannada Xera jaalle iyo Galdogob, oo ka wada tirsan Dagmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Kulankan ayaa ahaa kii Saddexaad oo ay kuwada hadlaan labada Beelood ayaa lagu xalliyay dhacdadii horay uga dhacday Degmada Galdogob, Nabadoonnada Deegaanka Xera-Jaalle ayaa Gogosha Nabadeed keenay dhamaan Raggii gaystay falkii horay uga dhacay Degmada Galdogob.

Guddoomiye Faysal Cali Jifo ayaa sheegay in mid kamid ah Beelihii wax laga dilay lagu wareejiyay dadkii dilalka geystay, hayeeshee Beeshii ay cafisay si nabad loogu wada noolaado.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Nabadoonnada Deegaanka Xera jaalle ay isla goobta ku bixisay Duugtii, Qorigii, illintir iyo dhaawacyo kale oo ka dhashay dagaal labada beelood dhexmaray.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal ayaa ugu baaqay dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa Nabadda iyo Wada Degnaanshaha, isaga oo adkeeyay Muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo Wadajirka Bulshooyinka wada dega.

Leave a Reply

Your email address will not be published.