Garbaharay ( Raxanreeb ) Maamulka gobolka Gedo uu uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolkaas Ahmed Bulle Gared ayaa gogol dib u heshiisiineed ugu sameeyey Degmada Dolow Soomaaliya, beelo shaqaqooyin iyo tabashooyin ka dhaxeeyey.
Beelaha Fiqimuxumed iyo Gabaweyn oo bilooyin ka hor dhax marey dagaalo qabiili ah sababney dhimasho iyo dhawaac ayaa loo fidiyey gogol nabadeed oo balaaranWaxaana ka qayb galey.
Hay’aha Amniga Gobolka Gedo , Sida Afdheer Liibaan Maamulada Dolow Somaliya Doolo bay, Dolow Addo Boholgaras Qoneey Ugaaso Nabadoono Waxgarad Cuqaal iyo masuliyiin kale ayaa ku sugnaa madashan dib u heshiisiinta.
Beesha Fiqimuxumed ayaa madasha ku bixisey lacag isugu jirtey , duug iyo Sabeen.
waxaana ugu danbeyn. hoosta laga xariiqey in bulshada labadan beeleed ee degan jiinka Wabiga Juba si nabadgalyo ah u wada noladaan. cidii xad gudub la timaado sharciga la horkeeno.
Leave a Reply