Weerar lagu qaaday macbadka Shiraz oo ay ku dhinteen 15 qof

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday goob ay Shiicada ku cibaadaystaan ​​oo ku taal magaalada Shiraz ee koonfurta dalka Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda warbaahinta dawladda ee IRNA.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay Masjidka Shah Cheragh Shrine fiidnimadii Arbacada ay fuliyeen saddex nin oo hubeysan oo gudaha u galay Xaramka.

Laba ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la qabtay, iyadoo mid weli baxsad yahay.

Kooxda ISIL (ISIS) ayaa war ay soo dhigeen bartooda telegram-ka ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Nour news oo ah warbaahin xiriir la leh dowlada Iran ayaa horey u sheegtay in kooxda weerarka geysatay aysan u dhalan Iran.

Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa sheegtay in hal qof oo dumar ah iyo labo caruur ah ay ku jiraan dadka lagu dilay Shiraz.

“Waxaan isku diyaarinay salaad,kadibna waxaan maqalnay rasaasta,waxaan isku daynay inaan dhanka kale ka baxno,kadibna waxaan gartay in aan dhiig baxayo”sidaasi waxaa Aljazeera u sheegay goobjooge iyo dadkii ka badbaaday weerarka.

“Ma arki karin cidda tooganaysa… Waxay ka soo bilaabatay waddada ka dibna waxay u yimaadeen dhinaca macbadka, wayna toogteen ciddii ay arkaan. Waxaan arkay qaar dhaawac ah oo la dilay, laakiin maan arag kooxihii weerarka soo qaaday,” ayuu yidhi.

Fouad Izadi, oo ah borofisar ku-xigeenka kuliyadda daraasaadka adduunka ee Jaamacadda Tehran, ayaa sheegay in ujeeddada toogashada ay ahayd in “weerar lagu qaado dadka cibaadaysanaya”.

“Tani waa astaanta ISIS – waxay weeraraan masaajidda, waxay weeraraan macbadyo,” ayuu yiri Izadi.

Dorsa Jabbari oo Aljazeera ka tirsan, oo Tehraan ka soo warameysa, ayaa sheegtay in xaramka uu ahaa goob muhiim u ah xujeyda diinta.

Arbacadii ayaa ku beegan 40 maalmood tan iyo markii Amini uu dhintay, waxaana la arkay kumanaan qof oo isugu soo baxay magaalada uu Amini ka soo jeedo ee waqooyi-galbeed ee Iran.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Shiraz uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.

“Waayo-aragnimadu waxay muujineysaa in cadawga Iran, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay abuuraan kala qaybsanaan safafka midaysan ee qaranka, ay ka aargoosanayaan rabshado iyo argagax. Xumaantan xaqiiqdii ma noqon doonto mid jawaab la’aan ah, laamaha ammaanka iyo kuwa sharci fulinta ayaa cashar u dhigi doona kuwii weerarka soo diyaariyay,” ayuu yiri Raisi.

Tasnim ayaa ku warantay in mid ka mid ah kooxda weerarka geysatay uu arbacadii toogtay shaqaale ku sugnaa afaafka hore ee macbadka ka hor inta uusan qorigiisa xirmin kadibna ay eryan dad goob joog ahaa. Ninka weerarka geystay ayaa waxaa u suurtagashay inuu hagaajiyo qorigii uu watay,kadibna waxa uu rasaas ooda uga qaaday dadkii soo eryanayay,ka hor inta uusan gudaha u galin barxad,isla markaana uu toogto dadkii cibaadeysanayay. Dhowr haween iyo carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

Iran ayaa bishii June daldalaad ku fulisay nin Sunni ah oo lagu xukumay dil horraantii bishii April ee la soo dhaafay inuu dilay laba wadaad oo Shiico ah, mid kalena dhaawacay, sida ay xilligaasi sheegeen waaxda garsoorka.

Nin 21 jir ah oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Uzbekistan ayaa 5-tii bishii April waxa uu weerar tooreey ah ku qaaday macbadka Imaam Reza, kaasoo lagu sharfayo mid ka mid ah dadka sida weyn looga qadariyo Shiicada Islaamka.

Dilka ayaa dhacay intii lagu guda jiray bishii barakaysneyd ee Ramadaan markii dad badan oo cibaadeysanayay ay isugu soo baxeen macbadka, oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Iran ee Mashhad.

Magaalada Shiraz ayaa ah meel caan ah oo loo aado xajka iyo dalxiiska, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee noocaan ah oo ka dhacay magaaladaasi uu ahaa bishii April ee sanadkii 2008, markaasoo bam lagu aasay masaajid ay ku dhinteen 14 qof.

“Tani waa dhacdo naadir ah oo ka dhacda waqti aad muhiim u ah Iran, marka ammaanka lagu jiro heegan sare marka loo eego tirada mudaaharaadyada ee ka dhacay guud ahaan dalka,” ayuu yiri Jabbari.

Weerarkii Arbacada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Iran ay weli sii wajaheyso mudaaharaadyo tan iyo dhimashadii bishii Sebtembar ee Mahsa Amini, oo 22 jir ah oo dhimatay ka dib markii ay xireen booliska anshaxa ee dalkaas sababo la xiriira “xijaab aan habboonayn”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.