MANDHEERA : Kenya oo ciidamo fara – badan ku soo daadisay

MANDHEERA : Kenya oo ciidamo fara – badan ku soo daadisay

Mandhera (Raxanreeb ) Ciidanka amniga Kenya ayaa howgal ka fuliyay xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee dhawaan labada dowladood ay sheegeen in dib loo furayo.

Dad ku sugan degmada  Beledxaawo ayaa sheegay in ciidanka baaritaan ay ku bilaabeen dadka ka gudbiya iyo kuwa ka soo gudbanaya xuduuda.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in howlgalkan  uu yahay mid salka ku haya heshiiska isku furida xuduudaha labada dalka ka dib kulan ka dhacay magaalada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa kordhiyay dadaalada ay ku doonayaan in ay ku xakameeyaan dhaqdhaaqa xuduuda , waxaana lagu soo kordhiyay ciidamo dheeraada ah oo ka qayb qaata amniga.

Kenya waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah oo rag ka tirsan ‘Al- Shabaab  saacado ka dagaalameen dhismo ku yaalla Mandheera, Nairobi & Keynta Laamu .

Si loola socda dhaqdhaqaaqa dhanka soohdinta waxa ay Kenya kordhisay Ciidamada Booliiska ah oo qaarkood wata Gaadiidka Ciidan, & saldhigyo cusub oo ay ka dhisteen meelaha ugu badan ee weeraradu ka dhacaan.

Labada dhinac ee  Beledxaawo iyo Mandheere ayaa ah kuwo ganacsigooda iyo waxbarashahooda ay isku xiran – tahay waxayna kala xirnayd muddo ku dhaw 11 sanno

Leave a Reply

Your email address will not be published.