Mareykanka oo qirtay inay duqeyn ku dileen dad Shacab ah

USA (Raxanreeb) — Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu ka sameeyo Mareykanka howlgallo millatari.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu ka fuliyay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ujeedkooda uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

Warbixinta qiraalka ah ayaa waxaa lagu xusay in duqeyntaasi ay dhacday kowdii Janaayo ee sannadkan 2022-ka, balse ma sheegin Mareykanka inuu magdhow ka bixiyay arrintaasi.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale millatariga Mareykanka ayaa weeraro ka dhacay dalka Afghanistan sannadkii 2021-kii ku dilay illaa 12 qof oo rayid ahaa, sidoo kalena ku dhaawacay 5 kale.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhowaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay in kabadan 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongaraysku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyada oo qeyb ka ah mid kamid ah Siraha” ayaa lagu yiri.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu guda jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale Pentagon-ka ayaa dib u qiimeyn ku sammeeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo billaabo 2018 illaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Bishii Jannaayo 2022-ka, Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku boorriyay millatariga in ay sameeyaan isbaddel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kaddib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.