Adis Ababa (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Raysulwasaaraha dalkaas Abiy Ahmed.
Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saari doonaa xiirirka hooseeya ee Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah laba dal oo deris ah kana dhaxeeyo arrimo dhawr ah oo muhiim u ah shacabka labada dhinac.
Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay Ciidan ka tirsan Militeriga Itoobiya ay billowgii bishii hore soo galeen gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay Itoobiya sheegaty in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonto gobollada Xuduudda la leh dalkeeda.
Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii kacaanka sanadkii 1991-kii, isyaga oo iskaashi ka lahaa dhinacyada amniga iyo gacansiga.
wixii ku soo kordha – kala soco.
www.raxanreeb.com
Leave a Reply