Mareykanka oo si kulul u canaantay Itoobiya -‘’ Jooji fargalinta ‘’ ayuu yiri.

Mareykanka oo si kulul u canaantay Itoobiya -‘’ Jooji fargalinta ‘’ ayuu yiri.

NewYork (Raxanreeb ) Waxa isa soo taraya , baaqyada  ka  soo baxay dalal badan oo la caalamka oo  la xiriira  in si wada hadal ay ku jirto lagu dhameeyo khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arrimahan ayaa salka ku haya ka dib markii maalmo ka hor itoobiya ay qaatay talaabooyinka ka caraysiiyay Soomaaliya markii heshiis is afgarad ah oo dhanka bada ah ay la gashay Somaliland.

Dowladda Mareykanka oo arintan hadal ka soo saaray ayaa ku canaantay  Itoobiya fara – galinta aan loo meel dayin ee Itoobiya ay ku hayso Soomaaliya oo ah mid xad gudub ah.

Bayaan uu soo saaray af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wada hadal diblomaasiyadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saleysan xuduudaheeda 1960-kii,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Matthew Miller.

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sannado ah hakad ku jirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.