Mareykanka oo Soomaaliya u tababaray ciidamo hor leh

Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka Khawaariijta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Ra’iisulwasaare  Xamse  Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.