Koonfur Galbeed oo laga bilaabayo Guluf ka dhan ah Al- Shabaab.

Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay caawa waxaa ka soconaya kulamo ay leeyihiin saraakiisha ciidan ee maamulkaas.

Waxa ku jira kulankan oo diirada lagu saarayo in Al Shabaab la weeraro , saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee howlgalka ATMIS qaybta ka ah

Kulankan waxa uu daba socdaa ka dib markii magaalada Baydhabo ee gobolka Baay u tagay Wasiirka difaaca dagaal lagu qaado Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga waxa ku wehliyay magaalada Baydhabo Taliyaha ciidanka xoogga dalka kuwaas oo magaalada kula kulmay Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen waxa ayna isla soo qaadeen dagaal ka dhan ah Al Shabaabka ku sugan deegaanada koonfur Galbeed.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed waxaa awood badan ku leh dagaalyahanada Al Shabaab , kuwa aoo goddoomiyay deegaano iyo degmooyin badan ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Kooxda Al Shabaab ayaa hadda dagaal kaga furan gobolada dalka  sida Hiiraan Shabeellaha Dhexe iyo meelo ka mid ah gobolka galgaduud .

Leave a Reply

Your email address will not be published.