Markab kalluumeysi oo laga lee yahay Shiinaha oo lasii daayay

Markab kalluumeysi oo laga lee yahay Shiinaha oo lasii daayay

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa sii dayay Markab Kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Shiinaha, kaasi oo ay ka afduubteen xeebaha maamulka Puntland.

Sii deynta Markabka Kalluumeysiga ayaa la sheegay in ay timid, kaddib markii dedaalo ay ku bixiyeen dowladda Shiinaha, dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Sida ay sheegtay safaaradda Shiinaha Muqdisho, sii deynta Markabka ayaa timid kaddib wada-tashiyo iyo iskaashi dhow oo dhex-maray hoggaanka federaalka iyo madaxtooyada Puntland, taasi oo ugu dambeyntii suura-gelisay in si nabad ah loo sii-daayay Markabka.

Sidoo kale safaaradda Shiinaha, ayaa sheegtay in aad uga xun tahay weerarka Markabka, oo ay tilmaamay inuu heystay ogolaansho rasmi ah oo uu kaga howlgalo biyaha Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma cadda in madax-furasho la bixiyay sii deynta Markabka iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.