9 is burin oo ku jirtay wareysiga Xasan Sheekh ee Al-Jazeera.

9 is burin oo ku jirtay wareysiga Xasan Sheekh ee Al-Jazeera.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu ku dhiiqooday waxaa toddobaadka dhammaaday ka qaaday telefishanka Al-Jazeera English kaasoo ku jira Youtube.

Qormadan waxay soo koobeysaa arrimaha is burinta ah eek u jiray wareysigan:

  1. Arrimaha xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada haweenka iyo carruurta.

Soomaaliya weli waxaa ka socda xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin tacaddiyada lagu hayo haweenka iyo carruurta, taasoo uu madaxweynuhu dafiray. Markii si adag loo weydiiyayna uu haddana qirtay balse uusan wax xal ah oo wax looga qabanayo uusan sheegin.

2.Wacyigelin ma joojiso kufsi!

Xasan Sheekh waxaa la weydiiyay kufsiga haweenka loo geysto. Wuxuu sheegay in wacyigelin loo sameyn doono dadka kufsiga geysanaaya. Balse, wariyaha ayaa u sheegay in wacyigelin aysan joojin kufsi taasoo jawaabtiisa ku soo koobtay “way ka qeybqaadaneysaa”.

3.Dilka dadka rayidka ah ee Muqdisho loogu geysto.

Markii la weydiiyay Xasan Sheekh dilka dadka rayidka ay ku hayaan kooxo maleeshiyaad ah oo mararka qaar dharka ciidanka soo xirta wuu inkiray. Balse, markii wariyaha wareysiga qaadayay uu soo hordhigay warbixinno caddeynaya dacaddiyo askarta dowlada iyo maleeshiyaadka ay geysteen oo ka dhacay Muqdisho wuxuu ku andacooday in sannadkii hore ay dheceen, isaguna uusan madaxweyne dalka ka ahayn. Balse halkaas loogama harin ee waxaa la weydiiyay waxa laga qabanayo hadda tacaddiyadaasi. Ma uusan sheegin wax xal ah- gaar ahaan waxa loo qabanayo dhibbanayaasha tacaddiyadaasi.

4.Lebiska ciidamada oo suuqyada lagu kala iibsado.

Xasan Sheekh inkastoo markii hore uu inkiray in askarta dowladda iyo maleeshiyaad-ba ay dadka dilaan, haddana markii si adag loo weydiiyay wuu qirtay. Waxaase yaab lahayd inuu sheegay in lebiska ciidamada dowladda Soomaaliya uu iska yaallo suuqyada Muqdisho laguna kala iibsado! Waxaa ka sii daran inuusan marnaba sheegin wax tallaabo ah oo arrinkaasi wax looga qabanayo.

5.Duqeymaha diyaaradaha iyo dadka shacabka ee lagu dilo.

Markii la weydiiyay Xasan Sheekh Maxamuud duqeymaha diyaaradaha (drones) ee Mareykanka wuxuu sheegay inay u fasexeen in duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya. Wariyaha ayaase weydiiday waxa laga yeelayo dadka shacabka eek u dhimanaya duqeymaha, iyadoo ay horey u dhacday in dhowr meel ay dad rayid ah ku dhinteen duqeymo diyaaradeed oo Mareykanku geystay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa su’aashaasi hareer maray isagoo awoodi waayey inuu is qabadsiiyo kordhinta duqeymaha iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed ee aan dagaalka ku jirin.

6.Xorriyadda saxaafadda iyo kiiska Abdalle Mumin.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in sababta loo xiray Xoghayaha SJS Abdalle Mumin ay ahayd “inuu ka hor yimid amarka dowladda” isagoo hilmaamay hadalkii Wasaaradda Warfaafinta ee ay markii hore sheegtay ee ahaa “arrimo amni”. Markii la weydiiyay inuu caddeeyo sida uu Abdalle Mumin uga hor yimid amarka dowladda, wuxuu Xasan Sheekh awoodi waayey inuu jawaab u helo. Waxaase ka sii darneyd markii la weydiiyay in Abdalle Mumin loo geystay xadgudub xuquuqda aadanaha oo ka dhan ah xorriyaddiisa wuxuu Xasan Sheekh ku soo aruuray inuu yiri “haddii Abdalle Mumin xadgudub loo geystay waa inuu u dacwoodaa maxkamadaha dalka!!!”.

7.Isla xisaabtanka, xorriyatul qawlka iyo hawlgallada socda.

Xasan Sheekh waxaa markale la weydiiyay sida ay isku qaban karto in marna dowladdiisu tiraahdo waxaan dhowraynaa xorriyatul qawlka iyo isla xisaabtanka, iyadoo dhanka kale saxafiyiinta la beegsanayo. Wuxuu kaliya ka gudbi waayey inuu yiraahdo “waan aaminsanahay xorriyatul qawlka” isagoo awoodi waayey inuu qeexo ama is qabadsiiyo beegsiga lagu hayo saxaafadda iyo sida isla xisaabtan ku iman karo.

8.Macluul ma jirto!

Iyadoo ergayga arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo caalamka oo dhan ay ka hadlayaan abaarta iyo macluusha ka jirta Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh ayaa aad loola yaabay markuu yiri wax gaajo iyo macluul ah kama jirto Soomaaliya!. Balse dhanka kale haddana wuxuu sheegay Xasan Sheekh in saddexda ahmiyad ee ugu weyn dowladdiisa ay ka mid tahay ka shaqeynta gurmadka abaaraha dalka ka jira. Bal adiga is qabadsii!

9.Saddexda ahmiyad ee dowladda Xasan Sheekh .

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in kaliya saddexda ahmiyadood (priorities) ay u taallo xafiiskiisa oo kala ah: amniga, abaaraha iyo deyn cafiska. Tani ayaa ka hor imaaneysa waajibaadyada waaweyn ee dowladda laga sugayey oo ay ka midka yihiin: dhameystirka dastuurka, dhismaha garsoor caddaalad ah, diyaarinta doorasho qof iyo cod ah iyo hirgelinta dib u heshiisiin run ah oo la dhex dhigo ummadda Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Bulbul

Leave a Reply

Your email address will not be published.