MUQDISHO : Qarax “ismiidaamin” ah oo ka dhacay Iskuul-Bulusiyo.

MUQDISHO : Qarax “ismiidaamin” ah oo ka dhacay Iskuul-Bulusiyo.

Muqdisho(Raxanreeb)Magaalada Muqdidho waxaa dhacay qarax ismiidaamiin ah oo la sheegay inuu fuliyay qof naftii halige ah.

Qaraxan  ayaa ka dhacay saaka agagaarka School Buliisiya & inta u dhaxaysa Isbitaalka Yarmademeeli  waxaana ka dhashay waxyeelo dhaawac u badan sida ay sheegeen goobjoogayaal ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in nin mooto watay uu isku qarxiyay dhallinyaro iska diwaan galiyay  ciidannimo oo ku sugnaa iskuul Buliye afafkiisa hore .

Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan faahfaahin qaraxa saaka ka dhacay Iskuul Buuliyo oo ah saldhig muhiim u ah Dowladda Soomaaliya.

Maalmahan waxaa socday howlgal ciidanka Dowladda ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga sidaas oo ay tahayna waxaa magaalada ka dhaca qaraxyo iyo dilal inta badan ay fuliyaan kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.