Maxaa keenay in maanta  uu qabsoomi waayo shirka Baydhabo?

Maxaa keenay in maanta  uu qabsoomi waayo shirka Baydhabo?

Baydhabo (Raxanreeb ) Guddiga Farsamada ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dib-u-dhac ku yimid shirka, oo maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa qoraal ku sheegay in shirka uu maanta u baaqday arrimo farsamo, balse uu Talaadada si rasmi ah uga furmi doono magaaladaasi.

“Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loo ballansanaa in uu maanta ka furmo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta baaqday arrimo farsamo awgeed, waxaana loo ballamay 17-ka Janaayo oo berri ku beegan inuu si rasmi ah u furmo.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga ayaa Jimcihii iclaamiyay in shirka uu Isniintan ka furmi doono Baydhabo, dhinacyada ka qaybgelayana ay tahay inay magaalada soo gaaraan.

Waa markii labaad oo uu dib-u-dhac ku yimaado shirkan. 5-tii bishan ayay ahayd markii ugu horreysay ee la muddeyay in shirka ka furmi doono Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.