Galcad oo gacanta Al- Shabaab ka baxday.

Galcad oo gacanta Al- Shabaab ka baxday.

Galcad (Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ula wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka ayay suurtagal ka dhigtay in  kooxda Al- Shabaab gacantooda ay ka baxdo degmada Galcad ee gobolka galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Al Shabaab kala wareegeen degmada Galcad.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay wday howlgal ay ka dhan ah kooxda Al- Shabaab , waxa ayna la wareegeen ciidanka degmooyin iyo deegaano badan oo hore ay u maamuli jireen kooxda Al- Shabaab.

Xubnaha saraakiisha Dowladda  ayaa sheegay in aysan ku ekaan doonin degmada Galcad hase ahaatee ay qorshaynayaan in ay la wareegaan dhamaan deeganada dalka ay kaga sugan yihiin kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.