Maxaa ku soo kordhay xayiraadii safarka Maareeyaha Hay’adda duulista Rayidka ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamdda gobolka Banaadir ayaa xayiraadii dhanka safarka ka qaaday Maareeyaha Hay’adda duulista Rayidka.

Warqad ka soo baxday Maxkamadda gobolka ayaa lagu cadeeyey in Maareeyaha uu horyimid Maxkamadda maanta oo ay taariikhdu tahay 19/11/2022 una hogaansamay u yeeristii Maxkamadda wuxuuna sidoo kale la wadaagay warbixintii ay doonaysay ayaa lagu yiri qoraalka.

ugu danbeyntii Maxkamdda ayaa fartay taliyaha saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha in ay ka qadaan xayiraadii safar ka joojinta Axmed Macallin Xasan Maareeyaha Hay’adda duulista Rayidka.

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA MAXKAMADDA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.