Wiil dhalinyaro oo Bajaajle ah ayaa lagu dilay degmada kaaraan.

Muqdisho (Raxanreeb )Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ayaa la sheegay in maanta degmada Kaaraan ee Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyara ah.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay ilaalada Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir kaaraan.


Ehellada Marxuumka ayaa Meydka wiilka dhalinyarada geeyay isbitaalka Keysaneey ee Muqdisho,iyagoo sheegaya in ay ka rajeynayaan maamulka degmada kaaraan inta laga keenayana isbitaalka ay ku heyn doonaan.

Maanta ayay ahayd markii Seddax ruux oo shacab ah ayaa lagu diley suuqa bakaraha ee  magaalada Muqdisho

Kooxda dilka fulisay ayaa la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen waxaana durbadii soo gaaray ciidanka Dowladd

Leave a Reply

Your email address will not be published.