Yaa Cunay Lacagtii Bangiga Dhiiga Somalia ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Bangigii Dhiiga ee ugu horeeyay Dunida waxaa lagu asaasay Magaalada Leningrad Hospital ee Dalka Ruushka, Sanadkii 1932.
Kadibna Magaalada Chicago USA ayaa sanadkii 1937 Mr. Bernard Fantus ka sameyay Bangi dhiig.

Aaway Bangigii Dhiiga ee Somaliya. Waxaan xasuustaa Sanadihii 70kii Bangigii Dhiiga ee u dhawaa Isbitaalka Digfeer ee uu agaasime ka ahaa Dr. Osman Aden Cade, in aan dhiig laga waayi jirin. Waxaa jirtay dhowr siyaabood oo Dowladdu dhiiga ugu keydin jirtay, Tusaale: Haddii aad Passport rabto, Miisaankaaguna gaarayo 50 kg waa khasab in aad Bangiga Dhiiga ugu soo deeqdo Dhiig, kadibna aad kala timaad Warqad Cadeyn ah in aad dhiig soo bixisay.Habab kalena waa lagu bixi jiray dhiigga. Xaruntaa waxaa la burburiyay mar hore, Maxaa xigay?.

Bishii Feb.2021 ayaa shir lagu qabtay isbitaalka Banadir la isku wareeystay Halkii uu ku dambeeyay “National Blood Bank” oo hore uu u dhagax dhigay RW. Xassan Cali Khayre Qandaraakiisana ey ku guuleysteen Som Tech iyo UNIPOS. Mashruucaa waxaa Gacan ka geeystay Deeq bixiyayaasha Talyaaniga, Sweden, Finland iyo Switzerland iyaga oo Lacagta soo Marsiiyay UNFPA, waxaa igu maqaal ah in Lacagtaasi ey dhameyd 8 Million Dollar oo loogu tala galay Dhismaha Bangiga Dhiiga Somaliyeed

Waan xasuustaa Maalintii dhagax dhiga Md. Khayre waxa uu yiri: Ma doonayo Maanta kadib in Wiil, Gabar iyo Aabe Somaliyeed in ey u geeriyoodaan Dhiig la’aan, Bangiga wajigiisa 1aad waxaa loogu tala galay in lagu keeydiyo 10.000 Xirmo oo dhiig ah. Haddii Maanta ey Aali leheyd 10.000 xirmo oo dhig ah, soow laguma badbaadiyeen Dadka ?

Maalintaa, Hadalkaa wanaagsan ey Madaxdu noo sheegtay waan ku faraxnay, kadibna la isma weydiin Ballantii maxaa ka hirgalay?.

Waxaa kale oo jiray Bangi kale oo loogu talagalay in dhiig lagu keydiyo. Ma ogi halkii uu ku dambeeyay.

Waxyaabihii la arkay 29/10/2022, waxaa ka mid ah, in Qof Dhiig ku tabarucayo, lagu yiraa Lacag bixi. Gaadiidka Gurmadka qaar oo Lacag weeydiinayo si Meyd laguugu qaado Xaafaddii Qoysku deganaa iyo Haween ku leh Meydkaan ayaa meeshan iga yaal, Lacag aan Gaadid ku kireysto si aan Gurigeena u geysto ma hayo, kadibna ka dhuumanayo Goobta markii Lacag la siiyo, si ey ugu qayilaan ama Dana kale ugu isticmaalaan Lacagtii ey ka heleen Walaalihii Niyadda wanaagsanaa.

Kuwaa hala yaabin, wakhtiyada Musiibooyinka, waxaa jiro Dad aan damiir leheyn oo si kale dhibaatada uga faa’iideysto.

Xaafado badan oo Magaalada ah Maanta waxa ka jiray Tacsi iyo qaraabo ku soo xoontay Guryihii Marxuumiinta.

Anigu, Qiyaastii 15 Daqiiqo ka hor ayaan halka Qaraxu ka dhacay wax ka iibsaday, kana tagay, kadibna waxaa la ii sheegay in Labadii Qof ee aan wax ka iibsaday Midkood uu Qarixii ku Geeriyooday.

Mahadcelin.

Dhalinyada Somalida iyo Ciidamada ayaa Door muhim ah ka qaatay gurmadkii Dadkii wax ku noqday Qarixii Soobe 2. kuwaa oo u muuqdo in wacyigoodu uu ka sareeyo Dadka caadiga ah, waana ku mahadsan yihiin, talabadaa Ajir iyo Xasanaad Alla ha ka siiyo.

Weli lama hayo Qof loo xiray ama lagu soo eedeeyay Qaraxii iyo Dayacaadii la Xiriirtay. weli lama Hayo Qof iska casilay Masuuliyadiisii oo u gudan waayay ama Qof Xil looga qaaday.

Intii dimatay Alla ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Alla ha caafiyo, asaxaabta iyo qaraabadana Samir iyo iimaan Alla ha siiyo, intii u gurmatay Shacab iyo Madaxba Ajir Alla haka siiyo.

FG: Wixii ka khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

Leave a Reply

Your email address will not be published.