Muqdisho ( Raxanreeb ) Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho waxa la sheegay in raashiin ay cuneen ku somoween qaar ka mid ah maxabiista xabsiga.
Afar kamid ah maxaabiista xabsiga dhexe ayaa loola cararay Isbitaalka Martiini . Waxaa la xaqiijiyay inay ku sumoobeen cunto ay cuneen.
Maxaabiista xabsiga dhexe ayaa la sheega in aysan helin daryeel waana tan keentay dhowr jeer inay sidan oo kale dhacdo.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wali wax hadal ah ma aysan ka soo saarin maxabiistan ku somowday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Kalkaaliyaal ka mid ah Isbitaalka Martiini oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday In war naga siiyaan xaalada caafimaad ee Maxabiista laga keenay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply