WAR CUSUB : Qaraxyo ka dhacay Beledwayne & faahfaahinta

WAR CUSUB : Qaraxyo ka dhacay Beledwayne & faahfaahinta

Beledwayne (Raxanreeb ) Qarax xooggan ayaa  ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qarax oo ahaa miino uu si gaar ah uga dhacay Maqaayad ku taalla Xaafada Xaawo taako ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta oo xirtay, waxeyna wadaan howlgalo la xiriira soo qabashada kooxihii weerarkan ka dambeeyay.

Wararka aan ka helayno magaalada  Beledwayne ayaa sheegaya  in ciidanka amniga ay qab qabteen tiro dad ah oo ay ku eedeynayaan falalka amni darro ee magaalada.

Dhawr mar sidan oo kale kooxda Al- Shabaab ayaa waxa ay qaraxyo ay ugu gaysteen magaalada  Belewayne ee gobolka Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published.