Maxay kawada hadleen Xamsa iyo safiirka Sucuudiga

Maxay kawada hadleen Xamsa iyo safiirka Sucuudiga

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Sacuudiga ayaa diiradda waxaa kagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid ka mahadceliyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid ayaa isna ka mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.