Muqdisho ( Raxanreeb ) Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray Shirweyne uga socda Muqdisho 23-26-Jannaayo 2023.
Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab.
Shirweynaha ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Waxaa sidoo kale war-mutiyeedka lagu sheegay in Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed uu isku raacay in la macaamilka kooxaha kasoo horjeed DFS ee nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta Islaam-ka.
Leave a Reply