Washington ( Raxanreeb ) Dawladda Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay weerar qorshaysan lagu dilay hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya.
War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya lagu qaarajiyay hoggaamiyahaas.
Waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.
Saraakiisha maamulka Biden ayaa sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka.
Intii lagu guda jiray wicitaan uu la yeeshay suxufiyiinta galabnimadii Khamiista, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa ku tilmaamay Mr. al-Sudani inuu yahay “fududeeyaha muhiimka ah iyo fududeeyaha shabakada caalamiga ah ee ISIS.”
Leave a Reply