Soomaaliya maxay ka baran kartaa habka maareynta qaraxii Istanbul ?

Istanbul (Raxanreeb ) shalay galab qarax ayaa ka dhacay magaalada Istanbul .Siddeed ruux ayaa ku nafweysay 80 ka badanna waa ku dhaawacantay.

Qaraxyadadu ma ahan wax ku cusub Turkiga, oo dalkani waxa uu leeyahay taariikh dheer oo leh fallaagooyin hubeysan iyo argagixiso.

Balse qaabka Dawladdu u maareysay dhacdadii shalay waa mid xirfadeysan:

  1. Goobta qaraxa waxaa laga laga meel dadweynaha ka caaggan, oo kaliya ciidanka iyo shaqaalaha Gargaarka degdegga ah ayaa loo oggolaaday;
  2. Xogta qaraxa la xariirta kaliya waxaa bixin kara laamaha Dawladda ee arrintaan loo xilsaaray. Dadweynaha waxaa looga digay meel kale in aysan warbixin ka doonan/sugin;
  3. Gebi ahaanba waxaa la mamnyucay faafinta muuqaallada iyo sawirrada qaraxa la xariira si looga hortaggo faafinta barabagaandada kuwa falka ka dambeeyay ay tiigsanayeen,
  4. Xawaaraha internetka ee dalka oo idil ayaa la dhimay si dadweynaha qalqal looga ilaaliyo loona xakameeyo faafinta wararka aan saxda aheyn ee dhacdadaan la xariira.

Waxaa muuqata in arrintani cashar u noqon karto Soomaaliya. Mar walba oo dalkeenna dhib ka dhaco waxaad mooddaa in lagu tartamo faafinta waxyeellada qaraxyada, taasoo sababta faafinta beenta iyo qalqalinta shacabka.

Allah ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacana caafimaad ha ugu deeqo.

W.Q Abdinor Daahir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.