Shir laga yeeshay halka lagu qabanayo fadhiyada Golaha shacabka .

Muqdisho ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah ku aaddan iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published.