Maxay tahay cabsida & qayla – dhaanta ka jirta nagaalada Beledwayne ?.

Maxay tahay cabsida & qayla – dhaanta ka jirta nagaalada Beledwayne ?.

Beledwayen (Raxanreeb ) – Wabiga Shabeelleee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ayaa saacadihii lasoo dhaafay keenay biyo badan taaso cabsi xoogan ku abuurtay dadka ku nool xaafadaha Baledweyne.

Qoysas badan oo ku sugan magaalada Beledwaye ayaa sheegay in qarka ay u saaran yihiin in ay ka baxaan xaaafadaha ay ku nool yihiin wabiga oo biyo badan keenay dartii oo keentay cabsida ay qabaan.

Maamulka magaalada Beledwayne ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karta wabiga oo karkarada jabsada oo keena khasaare baaxad leh oo isuguj jira naf & maalin , maadama la xusuusto sanadkii hore dhibaatada ka dhalatay.

Dhinaca kale hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SODMA), ayaa wajahaysa dhaleeceyn baahsan oo baraha bulshada kasoo gaartay, kadib markii jawaanno ciid ah ay hay’addu dhigay xaafado ku dhow dhow webiyada Jubba iyo Dawo Magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Ma muuqato diyaargarow loogu jiro ka hortaga dhibaatada ka dhalan karta roobka gu’ a ee ka curtay gobolada dalka oo hada ay soo baxaysa cabsida dadka ay ka qabaan masiibooyinka ka dhalan kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.