Maxay tahay howlgalka ay NISA ka fulisay Xalay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha oo katirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmameed ah ayaa waxaa fuliyay ciidamada gaarka ee Duufaan, kuwaas oo ku daatay guri ku yaalla xaafaddaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wardeedyo degaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay halkaas kasoo kaxeysteen laba nin iyo gabar, kuwaas oo ay la aadeen xaruntooda, si ay ugu sameeyaan baaris dheeraad ah.

Sidoo kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka gacanta ku soo dhigay dad u badan dhallinyaro, kuwaas oo ay wediiyeen su’aallo, kadibna ay sii daayeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen howlgalkaasi ee ay ciidamada NISA ku beegsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa qayb ka ah howlaha ay ciidamada ammaanka ku sugayaan amniga caasimadda oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay.

Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday.

Dhowaan ayay ahayd markii Ururka Al-Shabaab ay weerar adag oo saacado badan qaatay ay ku qaadeen Hotel Villa Reys oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya taasoo qof walba uu rumeysan waaye halkaas o ay ku naf waayeen inkabadan 8 qof oo shacab u badnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.