Midowga Yurub oo dhaqan gelinaya xayiraad shidaal oo ka dhan ah Ruushka

Brussels (Raxanreeb) — Midowga Yurub ayaa maanta sameynaya mid kamid ah Imtixaannada adag oo uu ku doonayo in uu hoos ugu dhigo dhaqaalaha Ruushka si loogu qasbo dib uga bixista magaalooyinka uu ka qabsaday Ukraine.

Waddamada Yurub ayaa sheegay in dhaqaale xumo ka dhalata shidaalka Ruushka oo hoos u dhaca ay sababi karto in ay kacaan shacabka Dalkaas qorshaha xigana uu noqon karo in Moscow ay dib ula baxdo Ciidamadeeda.

Sarkaal katirsan Waddamada go’aankaan dhaqangelinaya ayaa sheegay in arrintaan ay tahay xalka keliya ee lagu cadaadin karo Ruushka si usoo afjaro dagaalka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022 ee sababay dhimasho, dhaawac & burbur hanti.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka ka dhanka ah Dalkaas ee maanta dhaqangalka noqonaya, waxa uu ku hanjabay in uu qaadi doono tallaabo ka daran midda lagu sameynayo.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska & waddamo kale oo u badan kuwa Yurub ayaa cagta-cagta u saaraya Ruushka oo duullaan ku qaaday Ukraine kaddib markii uu qoonsaday in uu waddankaas xubin ka noqdo Isbaheysiga NATO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.