Qaraxyo ka dhacay Aadan Yabaal & ararkii ugu danbeeyay

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo xooggan ka wada qeybo kamid ah degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmo ka hor isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo aan weli gudaha u gelin degmada ayaa ka cabsi qaba inay miinooyin waddooyinka ku Aaseen Al-Shabaab, waxaana saakay mararka qaar la maqlayay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen gudaha degmada oo qaarkood qarxay.

Deegaanka Aadan yabaal ee Shabeellaha dhexe ayaa u ah Ururka Al-Shabaab meel istaraatiiji u ah ayagoona haaystay sannado badan, Al-Shabaab ayaa la sheegay marka ay ciidamada dowladda ay usoo dhowaadeen inay iskaga baxeen ayagoona qaatay matoorradii deegaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo malleeshiyaadka Macawisley ayaa Al-Shabaab weeraro adag ku qaada ayagoona inta badan ka qabsada deegaano badan walow deegaannada qaarkood ay iskaga faarujiyaan mararka qaar taasoo lagu sheegay inay tahay istaraatijayad la’aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.