In ka badan 4,000 oo ku dhimatay dhulgariirka ka dhacay Turkiga

Istanbul (Raxanreeb ) Waxaa sare u kacaya khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaarayey illaa 7.8.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 4,000 kun oo qof, halka la aaminsan yahay in boqollaal qof oo kale, inay ku hoos xanniban yihiin burburka dhismayaasha.

Turkiga ayaa ka mida, meelaha ay ku soo noqnoqdaan dhulgariiradu, kuwaas oo khasaare ba’an ka geysta dalkaas, waxaana si weyn loo xasuustaa dhulgariirkii ka dhacay dhinaca Woqooyi Galbeed ee Turkiga, sannadkii 1999, halkaas oo ay ku dhinteen 17,000 illaa 18,000 oo qof.

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa iyaguna sheegay in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 1,444, halka dhaawacuna ka badan yahay illaa 3,500 oo qof.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa tacsi u diray dalka Turkiga, iyaga oo ku yaboohay inay gacan ka geysanayaan, samatabixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in caalamku uu gurmad gaarsiiyo Turkiga, isagoo sheegay in inta badan qoysaska ay musiibadu ku habsatay ay “aad ugu baahanyihiin gargaar bini’aadamnimo, iyadoo deegaannada ay ku sugan yihiin ay adag tahay in la gaaro”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.