Maxay tahay shuruudaha cusub ee ay la imaadeen TPLF

Addis Ababa (Raxanreeb) — Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Hub ka dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii November.

Labada hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayeen tacadiyo.

Arintan ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku sameeyaan.

DR Feysal rooble oo ah khabiir ka faalloda arrimaha siyaasadda ee Ethiopia ayan wax ka weydiinay arrimahani saameynta ay ku yeelan karaan heshiiskii ka dhacay dalka Koofur Afrika.

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaalka)” ee Tigray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.