Musharrax u tartamay inuu kamid noqdo Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil kooxo hubeysan ay degmada Dharkeenley ugu geysteen mid kamid ah musharraxiintii Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka Soomaaliya.

Marxuumka dilka loo geystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye, waxaa xilligii doorashada uu ka mid ahaa musharraxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#33 ee Hirshabeelle.

Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen ciidanka ammaanka ayaa gaaray halka uu falku ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay walow aan cidna loo qaban.

Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ayadoo bishan keliya la dilay inkabadan 10 halka kooxaha dilka geystayne iskaga baxsadeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarada sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhaca caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.