Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Axad ah waxaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ay soo gaba- gabeeysay , dacwad loo haysto Sayid Cali Macallin oo ku eedeysan inuu si arxan darra ah u gubay xaaskiisa Luul.
Maxkamadda ayaa dhinacyada ka dhagaystay , nuxurka eedeymaha iyo difaacidda waxaana ku sugnaa goobta ehelada labada dhinac ee eedeysane Sayid Cali iyo AUN Luul Cabdicasiis oo lagu aasay magaalada Muqdisho.
Qareenada difaacaya , Sayid Cali ayaa soo bandhigay cadeymo ay sheegeen in ay yihiin kuwa ay ku badbaadinayaan eedeysanaha halka xeer ilaalinta dhankooda ay keeneen Maxkamadda cadeymo dheeraad ah oo lagu xukumi karo eedeysanaha.
Maxkamadda waxaa maanta kasoo muuqday howlwadeeno iyo dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay marxuumadda ku geeriyootay, waxaana wax laga waydiiyay qaabka ay ula tacaaleen marxuumadda iyo sida ay ahayd xaaladdeeda.
Maxkamadda ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.
Maxkamadda Racfaanka oo ku dhawaaqay in lasoo gabageeyay dhageysiga kiiskan ayaa sheegay in go’aanka rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonto fadhiga xiga
Leave a Reply