Maxkamadda Gobolka Banaadir oo markii ”4AAD” dhageysan doonto kiiska xoghayaha SJS

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo markii ”4AAD” dhageysan doonto kiiska xoghayaha SJS

Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in kiiska xorriyadda saxaafadda Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS mudane Abdalle Ahmed Mumin la dhageysan doono maalinta Isniinta 6da Febraayo 2023, saacaddu markay tahay 7:00am.

Dhageysigan ayaa ah kii afraad tan iyo intii ay Maxkamaddu bilawday dacwaddan ku saabsan war saxaafadeedkii wadajirka ahaa ee ururrada saxaafadda Soomaaliya.

Dacwadda ka dhanka ah Xogyahaya SJS Cabdulle Ahmed Muunin waxaa dabada ka riixaya Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala, Agaasimaha NISA iyo Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada.

2-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa qorshuhu ahaa in markii Afaraad la dhageysto kiiska dacwadda Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin balse uu dib u dhacay sababo amni darteed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.