Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan xoogga saaraysa sidii ay u xaqiijin lahayd ammaanka caasimadda oo marar badan ay ka dhaaceen falal amni darro.
Baraha ciidanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sameynayay maalmihii la soo dhaafay isbedel si ugu yaraan loogu hortago falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Meelaha qaar ayaa lagu kordhiyay ciidamo dheeraad ah , halka goobaha qaar laga qaaday ciidanka oo kuwo cusub la keenay taas oo loogu gol leeyahay wax ka qabashada xaaladaha ka jira caasimadda.
Hadda waxa barkantarool oo ka fogayd markii hore Ex-Kantarool Afgooye loo dhaweeyay dhanka Isgoyska halkaas oo uu ka jiro ciriiri xagga gadiidka ah
Tani waxa ay qayb ka tahay talaabooyinka isbedelada leh ee Dowladda ay ku doonayso in ay wax kaga qabto amniga caasimadda.
Leave a Reply