MD oo gaaray Baydhabo  & mira dhalka shirka dib u heshiisiinta KGS

MD oo gaaray Baydhabo  & mira dhalka shirka dib u heshiisiinta KGS

Baydhabo ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimcaha gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Safarka Madaxwaynaha ayaa salka ku haya ka qayb galka wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta ee gogoshiisa ay taalo magaalada Baydhabo.

Waa safarkii labaad oo Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Baydhabo , tan iyo intii magaaladaas uu ka furmay shirka dib u heshiisiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa sidii u mira dhali lahaa shirka Baydhabo ee la isugu keenayo mucaaradka iyo maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Magaalada hore waxaa ugu sugnaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe halkaas oo ay ka socdeen shirarka ujeedkooda uu yahaya xasilinta siyaasadda koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.