Muqisho ( Raxanreeb ) Waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisjo waxaa xiray dad badan oo aad ugu caraysanaa dil ciidanka howlgalka xasilinta midowga Afrika ee ATMIS ay u gaysteen qof rayid ah.
Dadwaynaha ayaa isugu soo baxay waddooyinka Ceelgaabta ee degmada Xamarjajab halkaas oo ay diideen dadwaynaha adeegsigeeda ilaa cadaalad loo helo dilka ATMIS ay u gaysteen qofka la dilay.
Askarta ayaa ilaa laba xabadood ku dhuftay Wiilka dhalinyarada, waxaana muddo saacad ku dhow oo uu yaallay Goobta uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray xabad ay Ciidamada ku dhufteen.
Ciidanka Dowladda ayaa sidoo kale ciidanka ATMIS u diiday in ay ka gudbaan wadada sabab la xiriirta dilka askarta ay u gaysteen wiilka dhallinyarada ah oo ka mid ahaa cayaalka koolada isticmaala ee ku sugan Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdishom
Saraakiisha ciidanka ATMIS wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dilka wiilka dhallinyarada ah ee carada xooggan ka dhalatay maanta.
Leave a Reply