“MD Xasan ha cadeeyo mowqifkiisa Laascanood ” – Madax hore-

Muqdisho ( Raxanreeb ) ku dhawaad 30 Siyaasi oo isugu jira Ra’iisul wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa baaq ka soo saaray maanta xaalada gobolada Sool, Sanaag & Cayn.

Siyaasiintan ayaa ugu baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka in uu cadeeyo mawqifkiisa xaaladda gobalada SSC, iyagoo ka digey adeegsiga awooda ciidan oo ay Somaliland qorsheynayso.

Waxay soo jeediyeen siyaasiintan  in muhimad gaar  la siiya sugidda matalaad dhab ah oo isu dheelli tiran kana tarjumaya mowqifyada kala duwan, si loo abuuro jawi kalsooni iyo is-aamin leh.

Somaliland ayaa xooga isugu gaysatay deegaanada gobolka Sool , Sanaag & cayn halkaas oo ay gaysay ciidamo aad u fara badan si ay ula wareegaan gacan ku haynta Laascanood ee gobolka Sool.

Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa dhankale ka socda shirarka ay yeelanayaan dadka deegaanka si ay uga hadlaan aayahooda ku aadan , sidii ay isaga dulqaadi lahayeen maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.