Amniga caasimadda oo loo taag la’ yahay & howlgalo socda…

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah – kooxaha dhac ka gaysta ka sameeyay xaafadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Tiro dhawr ah ayay ciidanka ay ku soo qabreen howlgalkooda sida ay sheegeen saraakiisha maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska degmada Hodan ayaa sheegay maanta oo Jimca ah  in koox dhaawac u geysatay labo ruux, iyaga oo ku dhaawacay Mindiyo ay wateen, Kadibna ka qaatay Taleefanadoodii gacanta ay ku hayaan.

Waxa uu sheegay Taliska ciidanka  maamulka degnada Hodan in raggaas ay ku xiran yihiin Saldhig Booliska degmada Hodan.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay sidoo kalen gacanta kusoo dhiogay nin kale oo isna ku eedeysan inuu dhac ka soo geystay Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.