MD Xasan ma waxa uga baaqday Jeddah Caleema saarka Ruto ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Sacudiga , gaar ahaan magaalada Jeddah halkaas oo shir uga qayb gali lahaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaynayo in 13-ka bishan socdaal uu ku tago Magaalada Nairobi halkaas oo uu kaga qayb gali doono caleema saarka madaxwaynaha la doortay William Ruto.

Inta uu ku sugan Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu kulan doceed la yeelan doonaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed .

RBC ayaa ogaatay ka dib Xasan Sheekh caleema saarka Ruto ka dib uu u safari doono New York oo uu ka furmaayo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, kaas oo si toos ah u furmaaya 20 bishan.

Soomaaliya ayaa haatan xulafo la’ah labada dowladood ee Kenya iyo Sacuudi Carabiya oo ka mid ah dowladaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida qorshuh uahaa maanta oo khamiis ah ayaa lagu waday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safar ugu baxo Boqortooyada Sucuudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.