MD Xasan ” Maamulka Somaliland ha joojiyo inuu qasbo dadka Laascanood “

MD Xasan ” Maamulka Somaliland ha joojiyo inuu qasbo dadka Laascanood “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa markale ku celiyay sida muhiim ay u tahay in la joojiyo colaad ka jirta magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliland aysan ku qabsin dadka gobolada Sool iyo Sanaag in iyadu ay ka mid noqdaan taas oo uu sheegay in ay tahay arin aan wanaagsanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaan rabitaanka dadka ree Sool ayuu sheegay Madaxwaynr Xasan Sheekh Maxamuud.

“Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adigaba laguugu colaadin gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.” ayuu yiri Madaxwayne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh sheegay mar maanta oo Jimcaha khudbad ka jeedinayay masjidka Shuhadada ee ku  -yaala Madaxtooyada Soomaaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published.