Kulanka Saraakiisha AFRICOM & kuwa PSF ee Puntland oo shaki laga muujiyay

Kulanka Saraakiisha AFRICOM & kuwa PSF ee Puntland oo shaki laga muujiyay

Boosaaso ( Raxanreeb ) Saraakiil ka socda Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa maanta oo Jimcaha gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Saraakiishan ayaa magaalada Boosaaso kula shiray  Agaasimaha guud ee PSF S/Guuto Maxamuud Cismaan Diyaano ,  walalkiisa Asad Diyaano , iyo xubno ka mid ah saraakiisha Puntland.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo tababarida ciidanka PSF in kor loo qaado isla markaana tan ay noqoto ma la iska kaashada.

Howlgalka AFRICOM ayaa gacanta ugu wayn ka gaysta tababarida iyo qalabaynta ciidanka gaarka ah ee PSF oo loo arki awood muuqata oo keentay xitaa in khilaaf uu soo kala dhaxgalo saraakiisha hoggaaminaysa iyo Madaxwayne Saciid Deni.

Maraykanka ayaa Ciidamada PSF u muujinaya in uu ku kalsoon yahay arinkaasina wuxu dhabarjab ku noqonaya  Madaxweyne Dani oo PSF u arka hay’ ad aan hoos tagin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.